Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐

Muqdisho(SONNA):-Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta qaabbilay Mudane Naoufel Telahigue Agaasime-Goboleedka Sanduuqa Caalamiga ee Horumarinta Beeraha (IFAD) u qaabilsan Bariga Dhexe, Woqooyiga Afrika, Yurub iyo Bartamaha Aasiya.
Kulankan ayaa Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka iyo Agaasime-Goboleedku ka ga wadahadleen iskaashiga Soomaaliya iyo IFAD, gaar ahaan horumarinta beeraha iyo xoolaha nool, sugnaanta cunnada, adkeysiga isbeddelka cimilada iyo taageerada beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo bulshooyinka nugul.</p>
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay mashaariicda horumarineed IFAD ka hirgeliso Soomaaliya, xoojinta awoodda hayโadaha dawladda iyo sidii loo ballaadhin lahaa maalgelinta horumarinta beeraha, biyaha, suuqyada iyo fursadaha dhaqaale ee bulshada reer guuraaga ah.






