Wararka
๐/๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐

Muqdisho.SONNAโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda oo ay hirgalinayso Jaamacadda SIMAD, taasi oo lagu horumarinayo waxbarashada sare, Cilmi-baarisyada iyo kobcinta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaaraha oo dhagax-dhigga kadib ka hadlay munaasabad kooban oo ka qabsoontay goobta loo asteeyay in laga hirgaliyo dhismaha ayaa sheegay in Jaamacadaha iyo heyโadaha waxbarashadu ay yihiin albaabka isbbeddelka iyo horumarka bulshada, isaga oo xusay in aqoontu tahay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu dhiso mustaqbalka ummadda. Waxa uu adkeeyay mudnaanta ay leedahay in la helo xarumo waxbarasho oo casri ah, kuwaas oo ardayda siinaya aqoon iyo xirfado wax ku ool ah, kana qeyb-qaadanaya horumarinta dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey horumarka Jaamacadda SIMAD iyo maamulkeeda, oo dadaal badan ugu jira ballaarinta fursadaha waxbarashada, isaga oo sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ay qeyb ka tahay in dalka laga hirgaliyo Jaamacado iyo dugsiyo tayo leh oo soo saaraya aqoon, xirfado waafaqsan baahiyaha bulshada iyo suuqa shaqada.
โWaxaan bogaadinayaa Jaamacadda SIMAD dadaalka joogtada ah ee ay ugu jirto horumarinta waxbarasada gaar ahaan Sayniska, Tiknoolojiyadda, Cilmi-baarista, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha casriga ah. Hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed maanta waxa uu baahi u qabaa in ay helaan xareun lagu horumariyo Tiknoolojiyadda iyo Sayniska, waxaa Alle mahadiis ah in maanta ay soo kordhisay Jaamacadda SIMAD. Waxa aan rajeynaya in ay sii xoojiso isku xirka aqoonta iyo baahiyaha bulshada, si loo helo jiil Soomaaliyeed oo aqoon, karti iyo hal-abuur u leh dhismaha mustaqbalka dalkaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mashruucan oo loo dhisayo hab casri ah, ayna iska kaashanayaan heyโadda Direct Aid, iyo Jaamacadda SIMAD, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha waxbarashada sare iyo abuurista jawi ku habboon in barashada Sayniska iyo Tiknoolojiyadda, Xaruntan ayaa door weyn ka qaadan doonta horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada xawliga ka socda.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa dhinaca kale ammaanay dadaallada heyโadaha amniga iyo shacabka caasimadda ee lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, isaga oo tilmaamay in nabadda iyo xasilloonidunay muhiim u yihiin kobaca waxbarashada, maalgashiga iyo horumarka guud ee dalka iyo dadka.
