Wararka
๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ XFS ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐ก๐๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐
Muqdisho.SONNA- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Shirka oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, F & dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo dhammaaday, iyada oo goluhu bogaadiyey habka dimoqraadiga ah ee ay dadweynuhu ugu dareereen doorashada, taas oo qeyb ka ah dedaalada xukuumadda ee la xiriira fulinta dastuurka jamhuuriyadda oo marayo marxaladdo kala duwan.
Kulanka Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faaโiidooyinka lagu helay kamid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xubinimadeeda laga dhaxlay in ardayda Soomaaliyeed ay jaamacadaha ku dhigtaan qidmadda goโan ee Bariga Afrika, halka dalxiisayaasha aanan laga qaadin lacagaha ajaaniibta kale. Sidoo kalena ganacsatada iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed ay fursad u heleen in aanan lala tiigsan xeerar cusub oo dalalka qaar ku mamnuuceen ajaaniibta.
