Wararka
๐olaha Abwaannada oo maamuus u sameeyay qaar ka mid ah madaxda Qaranka

๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi-xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masโuuliyiin kale ayaa ka qayb-galay munnaasabad ay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ku maamuuseen qaar ka mid ah Madaxda Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Munaasabaddan oo sidoo kale qayb ka ahaa soodhaweyn ay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed u sameeyeen Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi ayaa waxaa loogu mahadceliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyadoona sidoo kale abaalmarin billad sharafeed ah lagu guddoonsiiyay Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo takhaatiir garab istaagay abwaaniinta Soomaaliyeed.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Golaha abwaaniinta soomaaliyeed garashadooda ku aadan in ay maamuusaan dadka garab istaagay, asigoona xusay in Maamulka Gobolka uu mar weliba garab taagan yahay bahda fanka iyo abwaaniinta.


