Wararka
๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐ ๐ ๐จ๐จ ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ข๐ข๐ฌ๐๐๐ง๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐-๐ค๐

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa looga hadlay Qoondeynta Miisaaniyadda Sannadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2027, amniga dalka iyo dadaallada ciidamada qalabka sida ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Kulanka oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha, ahna Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaaย lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo gaartay 1,259,238,253 (Hal Bilyan, Laba Boqol, Konton iyo Sagaal Milyan, Laba Boqol, Soddon Siddeed Kun, Laba Boqol , Konton iyo Saddex Doollar).
Golaha ayaa warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhagaystay Wasaaradda Amniga Gudaha, oo soo bandhigtay guulaha ciidamada qalabka sida ay maalmahan ka gaareen deegaannada ay kula dirirayaan kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta ah iyo howlgallada ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada XFS, ayaa Marwo Shukri Xasan Cusmaan u magacaabay Agaasimaha Hayโadda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah, kaddib soo jeedin ka timid Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa soo dhoweeyay guusha iyo nabad ahย ee ay kusoo dhammaatay Shaqadii Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxa ayna bogaadiyeenย howlihii uu xafiisku ka soo qabtay dalkeenna muddadii uu ku jiray kala guurka iyo dib-u-soo kabashada Qaranka ilaa uu dalku gaaray isku-filnaansho iyo dib-u-hanasho buuxda.


