Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay falalka lagu dhaawacayo amniga caasimadda
    June 3, 2026
    Wasiirro ka tirsan xukuumadda FS oo u daawasho tagay horyaalka Soomaaliya oo koraya
    June 3, 2026
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub
    June 3, 2026
    Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed oo shahaadada qaatay
    June 3, 2026
    Maamulka Gobolka Banaadir oo Asteeyay Goobaha Dibadbaxyada Mucaaradka
    June 3, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: AMISOM oo maxkamad saareysa askar ka dambeysay dilka dad shacab ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > AMISOM oo maxkamad saareysa askar ka dambeysay dilka dad shacab ah
Gudaha

AMISOM oo maxkamad saareysa askar ka dambeysay dilka dad shacab ah

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
3 Min Read
Share

Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in guddi xaqiiqo raadin ah oo ay u saareen dilka dadka rayidka ah oo dhacay 10-kii Bishii Agoosto ee sanadkaan lagu ogaaday in todobo qof oo Shacab ah la dilay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Sidoo kale AMISOM waxaa ay sheegtay in Guddiga oo ka koobnaa lix qof , oo uu hoggaaminayey wakiil ka socday Xarunta Wayn ee Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa iyada oo ay xubnaha ka mid ahaayeen wakillo ka kala socdey AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ay xaqijiyeen, in maalintii dhacdadu dhacday, ay ciidanka AMISOM ay dhab ahaan ku wajaheen dagaalyahannada Al-Shabaab goobta uu shilku ka dhacay, iyada oo ay xigtay is rasaasayn, isla markaana Dagaalka ay ku dhinteen hal askari oo AMISOM ah, mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

“Sidaa darteed, AMISOM waxa ay qaadanaysaa mas’uuliyad buuxda ee falkan xun ee ciidankeeda, waxayna la xisaabtami doontaa ciidankii falka geystay si loo xaqiijiyo in caddaaladda loo adeego, sida ay ku taliyeen Guddiga Baarista, iyada oo la raacayo hannaanka saxda ah, ayey Dowladda Jamhuuriyadda Uganda, Dal ka mid ah kuwa Ciidankan Ku tabarrucay ahaan, ayna ka soo jeedaan cidanka falka geystay, waxay sameysay Maxkamad Ciidan si loo maxkamadeeyo ciidanka gefka geystay.

Maxkamadda Ciidanku waxa ay ka fariisan doontaa oo ay dacwadda ku qaadi doontaa gudaha Soomaaliya ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale waxaa AMISOM ay sheegtay” Waxaa la saadaalinayaa in, iyada oo la raacayo waajibaadkeeda ku xusan Heshiiskii Isfahamka ee ay la saxiixdeen Midowga Afrika, in Dawladda Uganda ay la xiriiri doonto qoysaska murugaysan si ay ugala hadlaan sidii loo magdhabi lahaa dadkii la dilay.

Ugu dambeyn AMISOM ayaa sheegtay si qoto dheer uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo ilaalinta dadka deegaanka oo qayb ka ah waajibaadkeeda asaasiga ah. Sidaas awgeedna  hoggaanka Hawlgalku uu sii wadi doono inuu hubiyo u hoggaansanaanta adag ee waajibaadkiisa sida waafaqsan Sharciga Bani’aadamnimada Caalamiga ah (IHL), sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Hawlgelinta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay falalka lagu dhaawacayo amniga caasimadda

Muqdisho (SONNA): Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta…

June 3, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah

Muqdisho.SONNA...Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka oo loo qaadayo tababar xagga…

Gudaha
March 12, 2026

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

London (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin, oo safar shaqo ku…

GudahaWararka
March 17, 2026

Wasaaradda waxbarashada oo ku dhawaaqday natiijada imtixaanka dugsiyada sare

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka dawliga ah ee…

GudahaWararka
September 6, 2020

‘Soomaaliya hal Albaab ayay leedahay’ (WARBIXIN}

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa u soo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023