Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah
    August 14, 2025
    R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika
    August 14, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo kulan gaar ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo Madaxda Bangiyada dalka
    August 14, 2025
    Madxda Maxkamadda Sare oo kulan muhiim ah la qaatay Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika
    August 14, 2025
    Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ku baaqay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta
    August 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: 1-da Luulyo maalinta xoriyadda iyo israaca 2-da gobol (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 1-da Luulyo maalinta xoriyadda iyo israaca 2-da gobol (warbixin)
GudahaMaqaallada

1-da Luulyo maalinta xoriyadda iyo israaca 2-da gobol (warbixin)

By Kulane
Last updated: July 1, 2021
7 Min Read
Share

Dadka Soomaaliyeed ,waxa ay ka mid yihiin umadaha caalamka ee halganka dheer u galay raadinta sidii looga hoos bixi lahaa gumeysiga shisheeye,isla markaana  loo gaari lahaa xoriyad, midnimo iyo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo wax la qeybsada dunida.

Haddaba,1-da Luullyo waa maalin qaran oo loo dabbaaldego xoriyadda gobolada koonfureed iyo israaca labada gobol ee woqooyi iyo koonfur,waana calaamad ama astaan muujineysa in dib loo soo ceshaday madaxbannaanida dhaqdhaqaaqyadii nololeed iyo horumaradii kale ee ay hakiyeen qeybihii gumeysiga ee qabsaday dalka.

Taariikhda halgankii Soomaaliya

1-Wajigii koowaad

Sanadkii 1507-1543-dii waa markii ugu horeysay ee dagaal gumeysi diid ah oo uu horsed ka ahaa halgame Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey uu ka bilowday Geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada dhaca dhulka howda ee ay degaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga,waxaana dagaaladaasi oo socday muddo sanado ah  ay sababeen in la joojiyo isballaarintii ay damacsanaayeen boqortooyadii Abasiiniya ee carigga Itoobiya.

2-Wajigii labaad

Sanadkii 1884-tii ,gumeysiga reer Yurub ayaa bilaabay xeelado cusub oo lagu qeybsanaayo dalalka Afrika,gaar ahaan geeska Afrika, ,taasina waxay dhalisay in dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan  quwadaha shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano gaar ah,iyagoo oo  adeegsanaya qaab gumeysi casri ah.

2-Wajigii sadexaad

Horaantii qarnigii 19-aad Waxaa mar kale gudaha dalka Soomaaliya,gaar ahaan goboladii woqooyi ee uu mamulkeeda haayey Ingiriiska ka bilowday dagaallo iyo dhaqdhaqaaqyo lagu diidanaa gumeysiga,kaas oo socday 20-sano,waxaana  horsed ka ahaa ciidamadii Daraawiishta ee uu hoggaaminaayey Sayid Maxamed C/lle Xasan iyo qaar ka mid ah hoggaamiyaasha bulshada ee gobolada woqooyi.

Sidoo kale Gobolada Koonfureed,waxaa iyana xilligaasi ka jiray dagaallo lala galay Talyaaniga oo ka dhacay deegaano badan sida,Lafoole ,Marka iyo Muqdisho, waxaana dagaaladaasi ay noqdeen dhaqdhaqyo bilow u ah sidii la isaga tuuri lahaa heeryaddii gumeysiga .

3-Wajigii afaraad

  1941-1949-kii, waxaa gudaha dalka Soomaaliya,si rasmi ah uga bilowday dhaqdhaqaaqyo xornimo raadin ah oo looga horjeeday gumeysiga Ingiriiska oo xilligaasi gacanta ku haayey maamulka labada gobol ee woqooyi iyo koonfurta dalka,ka dib markii Talyaaniga looga adkaaday dagaalkii labaad ee dunida.

Dhaqdhaqaaqyadaasi siyaasadeed ee gobanimo doonka ah waxaa sanadkii 1943-dii bilabay urur la magic baxay Naadiga Dhallinyaro Soomaaliyeed,kaas oo sanadkii 1947-dii qaatay magaca Ururka SYL,wuxuuna awood u yeeshay in muddo kooban uu afkaarta la xiriirta raadinta xornimada ku baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti

Dhinaca kale,,Ururkii SNL ee gobolada woqooyi,odayaal iyo waxgarad ka tirsan ururkaasi,ayaa u howlgalay raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah,waxayna sanadihii u dhaxeeyay 1946-1947-dii qoraal lagu codsanaayo in la mideeyo shanta Soomaali weyn ay u gudbiyeen maamulkii Ingiriiska ee joogay qobolkaasi.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay ku guuleysteen in ay qoraal ku saabsan gumeysiga ka jira dalka Soomaaliya iyo sida ay u doomayaan xoriyad ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay,waxaana sanadkii 1950-kii 1-dii April la ogolaaday in talada gobolada Koonfureed lagu wareejiyo Talyaaniga si uu u maamulo muddo 10-sano oo xornimo gaarsiin ah.

Inkastoo Ingiriiska uu doorbiday in maamulkiisu uu baaqi ku sii ahado gobolada Woqooyi ,sanadkii 1954-55-tii wuxuu  sameeyay xad ama seere been abuur ah oo dhulalkii NFD-da Kenya, howdka Itoobiya iyo xeebaha Jabuuti ka dhigaya mid ka madax bannaan deegaanada Soomaalida,ka dib markii uu ku fashilmay in talada dalka Soomaaliya loo daayo.

Labada urur ee SNL iyo SYL waxay iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka , odayaasha dhaqanka, haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo dad wax bartay ay ku guuleysteen in sanadihii u dhaxeeyay 1950-60-kii,in  la sii wado wadahadaladii u dhexeeyay ururada,si meesha looga saro gumeysiga,isla markaana loo helo midnimo iyo wadajir Soomaaliyeed.

Heshiisyadii ugu muhiimsanaa ee keenay Israacii labada gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxa ay dhaceen Sanadihii u dhexeeyay  1956-dii illaa 1960-kii,xilligaasi oo gobolada koonfureed ay ka jireen Dowlad Daakhili ah,halka gobolada woqooyi iyaguna ay ka jireen maamul hoosaad ay dusha kala socdeen Ingiriiska.

Waxaa xaqiiqo ah in halgamayaal badan oo ay ka mid ahaayeen Axmed Gureey,Sayid Maxamed C/lle Xasan,Maxamed Cismaan Dhagaxtuur,Xaawo Taako iyo kuwo kale ay ahaayeen kuwo maalkooda iyo naftooda u huray sidii ummadda looga dulqaadi lahaa gumeysiga shisheeye ee dalka u yimid in ay gurtaan kheyraadka dabiiciga ah.

Sanadkii 1960-kii waa markii ugu horeysay ee xornimo rasmi ah iyo maamul dowladnimo oo madax bannaan ay qaataan gobolada koonfuree,isla markaana calan soomaaliyeed oo xor ah laga taago magaalada Muqdisho, marka laga reebo gobolada woqooyi galbeed oo 26-kii Juun ku horeeyay callansaarka,

Haddaba,Xuska 1-da Luulyo waa munaasabadda ugu weyn ee ku qoran baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya iyo quluubta dadka,isala markaana keentay in sanad kasta loo qumo ama loo dareero dabbaaldegga maalmaha xoriyadda gobolada koonfureed iyo israaca labada gobol ee koonfur iyo woqooyi, ka dib halgan dheer oo loo  soo galay hanashada madaxbanaanida dalka iyo tuuristii nuucyada gumeysi ee ka jiray dalka.

Waxaa nasiib wanaaag ah in 1-da Luulyo muddo sanado ah ka dib ay hesho hab-maamuuskii qaran ee ay laheyd,ka gadaal markii dib u habeyn lagu sameeyay muuqaaladii ay lahaayeen taallooyinka taariikhiga ah ee lagu xasuusto halgamayaashii doorka xoogan ku lahaa xilligii xoriyad doonka .

Waxaa shaki la aan ah in 1-da Luulyo ay tahay muraayad laga daawado miro dhalka halgankii siyaasadeed ee sida waddajirka ah ay u fuliyeen,qeybaha bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan dhallinyarada oo ah awoodda keliya ee xilli kasta u taagan badbaadinta shacabka.

Ujeedooyinka fog ee ka dambeeya qabashada xusaska taariikhiga ah ee maalmaha qaran, waa soo bandhigidda raadadkii ay ka tageen halgamayaashii kaalinta weyn ku lahaa raadinta xoriyadda, si jiilasha dambe ay u noqdaan kuwo waaya arag ah oo wax ka bartay dadaaladii dadkii ka horeeyay.

Marka loo eego xaaladda adag ee uu dalku marayo iyo gaabiska ka muuqda horumarka dalka,waxaa haboon in  dhallinyarada iyo aqooyahanada kale ay u istaagaan xal u helidda deegaanada maqan iyo guud ahaan soo celinta kalsoonidii luntay ee dadka ku kala baahsan Raas Caseyr ilaa Raas Kaambooni.

Ugu dambeyntii waxaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska 1-da luulyo halkaan uga direynaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyed meel kasta oo ay joogaan.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah

Qaar kamd ah ciidanka qaranka ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay sadex kamid ah…

August 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Aadan yabaal

Aadan-yabaal-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee…

GudahaWararka
September 6, 2023

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe

Muqdisho,(SONNA):-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya…

GudahaWararka
August 24, 2023

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Mausiibooyinka kulan la yeeshay wafdi ka socday hey’adda Bisha Cas ee Turkiga

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay…

GudahaWararka
July 8, 2023

Khawaarijta Daacish oo markale jab xooggan lagu gaarsiiyay gobolka Bari

Boosaaso-(SONNA)-Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa saakay fashiliyay weerar ay khawaarijta naf lacaariga ah ee Daacish ku soo qaadeen fariisimaha ciidamadu ku…

GudahaWararka
February 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023