calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasaaradda Awqaafta oo furtay kulan ku saabsan qabya-qoraalka Xeerka Masaajidda

Wasaaradda Awqaafta oo furtay kulan ku saabsan qabya-qoraalka Xeerka Masaajidda
Wasaaradda Awqaafta oo furtay kulan ku saabsan qabya-qoraalka Xeerka Masaajidda — SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢, ayaa furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan qabya-qoraalka Xeerka Masaajidda, kaas oo ay ka qayb galeen Imaamyada, Khudbadda iyo maamualada Masaajidda ee lagu casuumay kulanka.

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd in laga wada tashado qodobbada xeerka, lana helo aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu dhammaystiri karo qabya-qoraalka, ka hor inta aan ugu dambayn loo gudbin Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo.

Agaasimaha Guud oo kulanka furay ayaa bogaadiyey dadaalka iyo shaqada culus ee ay hayaan Imaamada iyo maamulayaasha masaajidda, isaga oo xusay in masaajidku yahay goob cibaado oo Alle leeyahay, sidaas darteedna ay muhiim tahay in si habboon loo ilaaliyo loona maamulo.

𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 waxa uu tilmaamay in Xeerka Masaajiddu uu muhiim u yahay nidaaminta iyo horumarinta masaajidda dalka, isla markaana uu wax weyn ka tari karo xalinta is-qabqabsiyada iyo khilaafaadka ka dhex dhaca qaar ka mid ah masaajidda. Waxa uu sheegay in xeerku sidoo kale gacan ka geysan doono qeexidda waajibaadka iyo masuuliyadaha dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh maamulka masaajidda, si loo helo nidaam cad oo lagu wada shaqeeyo.

Waxa uu intaa ku daray in Wasaaraddu xoogga saarayso dejinta xeerar iyo habraacyo lagu hagaajinayo maamulka masaajidda iyo kala-xadaynta waajibaadkooda, si loo yareeyo khilaafaadka ka dhasha is-faham la’aanta, loona abuuro hannaan mideysan oo waafaqsan sharciga iyo baahida bulshada.

Ugu dambayn agaasimaha Guud ee wasaaradda ayaa caddeeyey in Wasaaraddu aysan doonayn inay si keligeed ah go’aan uga qaadato arrimaha masaajidda, balse ay muhiimad gaar ah siinayso wadatashiga iyo ka-qaybgalka dadka sida tooska ah uga shaqeeya masaajidda, gaar ahaan Imaamyada iyo Maamulada, si xeerku u noqdo mid ay dhinacyadu si wadajir ah uga tashadeen, una noqda mid si dhab ah uga jawaaba baahiyaha jira.

Qaar ka mid ah Imaamyada Masaajidda ee kulanka ka qayb galay ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda nidaamka wadatashiga ah ee ay ku wajahday diyaarinta xeerka, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin inay waqtigooda iyo taladooda ku biiriyaan dhammaystirka xeerka, kulankan iyo kulamada kale ee arrintan la xiriira.

La wadaag