Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah
Muqdisho-(SONNA)-Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha ayaa warbixinno ka siiyey Guddiga Joogtada ah shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo marxaladaha kala duwan ee ay marayaan, iyadoo si qoto dheer looga dooday dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo sidii loo wajihi lahaa howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaalla inta lagu guda jiro Kalfadhiga 8-aad.
Intaas kaddib, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka arrinsaday oo dejiyey ajandayaasha kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, waxayna si wadajir ah u ansixiyeen ajandayaasha kulamada golaha ee todobaadka soo socda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray, ayaa uga mahadceliyey xubnaha Guddiga Joogtada ah doorkooda wax-ku-oolka ah ee ku aadan dejinta ajandayaasha kulamada Golaha ee toddobaadka soo socda iyo dardargelinta guud ahaan howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaalla Kalfadhiga 8-aad.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ku boorriyey Guddiyada Golaha inay sii wadaan shaqada muhiimka ah ee loo igmaday, si loo xaqiijiyo in howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka Golaha ay u socdaan si hufan oo waafaqsan waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Shacabka.

