Xuska Sanadguuradii 14-aad ee Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Magaalada Dhusamareb uga Qaybgalay Munaasabada 14 Sano Guuradii ka soo wareegtay Aas aaskii Galmudug sidoo kale waxaa Munaasabada ka soo Qaybgalay Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Xildhibaano, Wasiiro, Maamulka Dhusamareb iyo Qaybaha Bulshada.

Habalyada Sanad Guurada ayaa waxaa Dhamaan Bulshada Galmudug u diray Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye waxa uuna xusay in Maamulku uu soo maray Marxalado kala hadbana lagu soo shaqaynayey Duruufaha jira.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxa uu Madasha uga hadlay Shirkii lagu balansanaa in la isugu yimaado Dhusamareb waxa uuna suxay inay sugayaa in Magaalada ay soo gaaraan Wufuuda ka Qaybgali doonta.

Munaasabada la mid ah Tan Xalay lagu qabtay Dhusamareb ayaa waxa ay ka dheceen Meelo kala duwan waxaana lagu xusayey 14 Guuradii ka soo wareegtay Markii Galmudug Dhidibada loo taagay.