Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Kuunyo Barroow

Muqdisho-(SONNA)-Laba xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay gelinkii dambe ee Shalay duqeymo xagga Cirka ah oo ka dhacay meel ku dhow degaanka Kuunyo Barroow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Duqeyntan oo ay si wada jira ah isaga kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliska howl-galka Maraykanka Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa sidoo kale lagu bur-buriyay Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Argagixisada Al-Shabaab.

Ma jirto waxyeello kasoo gaartay weerarkaasi Dadka Shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Africom.

Taliska Africom ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha xagga Cirka ah ee ay la beegsanayaan Argagixisada Al-Shabaab.