Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geeridii Xildhibaan Jamhuuriya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeennadiisa, guddoomitaha golaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenadiisa raiisul wasaaraha Dalka mudane Xasan Cali Khayre,Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Amniga iyo dhammaan xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka iyo wasiirada waxaa ay tacsi tiiraanyo leh udirayaan Qoyskii iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay AUN Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Aadan Jamhuuriya) oo Xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Mas'uuliyiintan ayaa xildhibaanka eebe uga baryay in janadii Fardowsa uu ka waraabiyo.
Rabbi ha u naxriistee xildhibaan Aadan Xasan Cali(Jamhuuriya) ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.
Innaa lilaah wa innaa ileyhi raajicuun.