Xildhibaannada Golaha shacabka oo Maanta kulmaya

Muqdisho-(SONNA)-Kulanka golaha Xildhibaannada shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goordhow uu ka furmo xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo ah mid aad u xasaasi ah ayaa waxaa golaha shacabka khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.