Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFJS oo ansixiyey dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda 2020+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Dib u Eegista Miisaaniyadda dowladda 2020 ka dib kulan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

143, Xildhibaan ayaa ogolaatay,3-na weydiideen,mana jirin Xildhibaan ka aamusay.

Dhinaca kale, Siihayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka meel marinta dib-ugu-laabashada Miisaaniyadda 2020 oo ansixinteedu muhiim utahay sii socod siinta howlaha Dowladda.