Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)–Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan, Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo Maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanaa Isbitaalka Yardimeli ee Magaalada Muqdiso ayaa Saaka geeriyooday sida Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) ay u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaan

Allaha u naxariistee Marxuumka, ayaa sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka Soomaaliya.