Xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19

Muqdisho.(SONNA):- Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixin cusub oo la xariirta Cudurka Coronovirus,waxayna Wasaaraddu sheegay in 29-xaalad cusub ay soo kordheen ka dib baaritaan la sameeyay.

21-Qof waa lab,halka 8-kalena ay yihiin Dhedig,sidoo kale,warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in hal qof oo ka mid ah dadka cudurka uu ku dhacay ka bogsaday.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeel Bulshada ayaa warbixinteeda waxay ku sheegtay inay socdaan qorshayaal iyo dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in sida ugu habboon looga hor tago khatarta cudurkaan, waxayna bulshada mar kale ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad.