Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi ay hoggaaminayso oo lagu soo dhaweeeyey Baydhabo.+sawirro

Muqdisho(SONNA) Wafddi ay hoggaamineyso wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh oo ay Kamid yihiin Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga Dr Daahir Abdi Abdulaahi,Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gaarey Magaalada baydhabo,

Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo Dhaweeyey Wasiiro,xildhibaano ka tirsan koonfur Galbeed,ururadda haweeynka,bahda Barbaarta Gaashaaman iyo dad weyne aad u fara badan.

Soo dhaweyn kadib waxay wasiiradda iyo Mas’uuliyiinti la socday warbaahinta ay kula hadleen Hoolka Ruun jinaad ee ku yaala ag-agaarka Madaxtooyadda koonfur galbeed,iyagoo faahfaahiya ujeedka socdaalkooda.

Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa sheegtay in Wafdigeedda ay kamid yihiin agaasimaha guud ee Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Soomaaliya Engjineero qaabilsan Biyaha iyo korontadda,Waxayna wasiir Fowsiyo ay intaasi ku dartay in ujeeddada Safarkeedu yahay sidii ay xiriga ugu jari lahayeen Xarun cusub oo wasaaradda biyaha ka hirgelisay Magaalada baydhabo.

 

By Mohamed Adam Socdaal