Wasiirka Shaqada Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Dardar-gelinta Barnaamijka Is-xilqaan

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sidiiq Xirsi Salaad (Warfaa) ayaa maanta guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen agaasimayaaha hay’adaha dowladda oo looga hadlay qorshaha dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud.

Sidiiq Xirsi Salaad, wasiirka shaqada XFS ayaa sheegay in kulanka looga hadlay heerarka kala duwan ee uu soo maray barnaamijka is-xilqaan iyo sidoo kale qorshaha lagu laba jibbaarayo si looga mira dhaliyo loona gaaro hadafkii laga lahaa billaabidiisa.

Wasiirka ayaa dhammaan agaasimayaasha hay’adaha dawladda ee kulanka uu la qaatay faray in ay kaalinta uga aadan ka qaataan  ololaha is-xilqaan oo dhawaan la billaabayo heerkiisii 5-aad.

Barnaamijka Is-xilqaann oo uu iclaamiyay madaxwayne Maxamed Cabduullaahi Maxamed (farmaajo),  qorshihiisuna ahaa in lagu dhiso goobaha danta guud, xarumaha taariikhiga ah iyo wadooyinka ayaa hormuud u noqday in la dib-u-dhis lagu billaabo xaruma dawladeed iyo gooba kale oo taariikda dalka qayb muhiim ah, kuwaas oo qaarkood ay marayaan heer gebagebo ah .