Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ka qeybgalaya shirka Golaha 47-aad (ARLAC)

Kampala (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas,iyadoo halkaa oo uu ku soo dhaweeyay Ku-simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ,Mudane Cali Maxamed Cagabaruur.

Wasiirka ayaa magaalada Kampala kaga qeybgalaya shirka heer Wasiir ee Golaha 47-aad ee Xarunta Maamulka Shaqaalaha Gobolka Afrika (ARLAC), kaasoo loogu talagalay wasiirada mas'uulka ka ah shaqada ee waddamada Afrika.

Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa shirka Golaha 47-aad ee ARLAC ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan arrimaha shaqaalaha iyo horumarada ay Wasaaradiisu ka gaartay.