Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Guddiga Qorsheynta iyo maalgashiga ee Aqalka Sare “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Guddomiye Ku-xiggeenka Guddiga Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ee Golaha Aqalka Sare-BFS  Senator Prof.Mohamed Faarax Cusman (Dhagajuun) Iyo senatarada ka tirsan Guddiga ayaa kulan la yeeshay  Wasirika Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan Iyo Xubno ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta.
Kulanka ayaa ahaa kulan warbixin looga dhageeystay waxqabadka iyo qorshaha  Wasaaradda  iyadoo ay ugana hadleen Qorshaha 5ta Sano ee soo socota , Iyo  arrimaha horumarinta dalka Iyo Latashadiyada ay la sameeyeen Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya. Isla markaana u ugu horeeyo qorshaha Qaranka oo ka kooban afar qeybood oo kala duwan  Qeeybtiisa 1aadna ay soo gaba gaboowday.