Wasiirka Garsoorka Galmudug “Waxaan Sare U Qaadeynaa Tayada iyo Hannaanka Uu U Shaqeeyo Garsoorka”

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamuud Fiidow ayaa sheegay in socdaalka ay ku tageen magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ay ugu weyneyd dhismaha Xabsi weyn oo laga hirgelinayo Gaalkacyo, isagoo intaa ku daray in qorshaha u degsan Maamulkooda uu yahay sare u qaadidda hay’adaha garsoorka.

Wasiirka oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay kormeer ku sameeyeen xarumaha hay’adaha garsoorka, kuwaasi oo uu sheegay inay u kuurgalayeen hannaanka ay u shaqeeyaan, waxaana uu ku booriyay inay bulshada ugu adeegaan si cadaalad ah oo ay ka fogaadaan waxkasta oo keeni kara musuq maasuq iyo eex.

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamuud Fiidow ayaa xusay in tababaro la siin doono howlwadeenada ka shaqeysa hay’adaha garsoorka ee Galmudugm si loo tayeeyo aqoontooda, ayna si hufan u gutaan howlaha loo igmaday.