Wasiirka Ganacsiga XFS oo uga digay Ganacsatada in qiimo sare ay iibiyaan Qalabka looga gaashaanto Faafidda COVID-19

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Eng Cabdullaahi Cali Xasan oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa uga digay ganacsatada in qiimo sare ay iibiyaan Qalabka looga Gaashaanto Faafida Cudurka Caronavirus, iyaga oo faa'iido ka raadinaya saameynta cudurkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay diyaar garow ugu jirto ka hor-tagga saameynta dhaqaale ee uu cudurka Caronavirus keeni karo, isaggoo Ganacsatada ugu baaqay inay waajib iska saaraan daryeelka Bulshadda.