Wasiirka Caafimaadka XFS oo si adag u cambaareysay falkii lagu xasuuqay dhakhaatiirti Gololeey

Muqsisho:(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay falka wuxuushnimada ah ee lagu xasuuqay howl-wadeenada caafimaadka ka howlgalayay deegaanka Gololeey ee Degmada Balcad, Goblka Shabeellada Dhexe.

Wasiirka Caafimaadka ayaa falkan ku tilmaamtay mid nasiib darro ah, iyadoo xustay in hawlwadeennada caafimaadka ay ku jiraan xilligan adag oo ay la tacaalayaan xakameeynta caabuqa COVID-19 oo kusii baahaya dalka oo idil.

“Wasaaradda Caafimaadka waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo bulshada Soomaliyeed, waxayna Ilaahay uga baryaysaa marxuumiinta inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo bahweynta caafimaadkana samir iyo iimaan ka siiyo”. Ayay tiri Wasiir Fawsiya oo hadalkeeda ku dartay “Waxaan murugada la qaybsanaynaa bulshada iyo bahda caafimaadka, waxaana dalbanaynaa in cadaalad ay helaan Howlwadeenaadaas lagu xasuuqay Gololeey”.