Wasiirka caafimaadka XFS oo laga wareystay saameynta Cudurka Covid-19 iyo qaabkii loo maareeyay+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Guddiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan soo diyaarinta warbixin ku saabsan saameynta Caabuqa Saf-mareenka COVID-19 ayaa la kulmay xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Marwo Dr. Fawzia Abiikar Nuur.

Kulanka ayaa Wasaaradda looga xogwareystay su’aalana looga weydiiyey arrimo ay ka mid yihiin saameynta Caabuqa COVID-19 ku reebay Dalka iyo qaabkii ay u maamushay ama ula falgashay Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Farxiya Muumin Cali.

Leave a Comment