Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo gaaray Suudaan

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Arrimaha dibadda, iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa Gaaray magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan.

Wafdiga wasiirka Waxaana garoon-ka diyaaradaha ee magaladaasi  Khaartuum kusoo dhaweeyey mas'uuliyin ka tirsan wasaradda arrimaha dibada ee Suudaan una qaabilsan IGAD,waxaana kamid ahaa danjire Cabaad Nuuradiin danjiraha Safarada Soomaalia iyo diplomaaciyiinta Safaaradda.

wasiirka ayaa lagu wada in uu mudo sadex cisho ah ku sugnaado dalkaasi Suudaan, isagoo ka qayb-gali doona shirar Kala duwan oo ka dhacaya halkaasi.