Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta iskaashiga Safiirka Kenya+sawirro

Muqdisho, July 31, 2019 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay maanta Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si loo adkeeyo qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh oo soo taxanaa muddo aad u fog.