Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay taliyaha AMISOM oo gaaray Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb(SONNA) Taliyaha AMISOM General Tigabu Yilma ayaa Maanta Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana Halkaasi ku soo dhaweeyey Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidamanka Xoogga Dalka.

 

 

Taliyaha ayaa Xarunta Madaxtooyada Galmudug kulan kula qaatay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Saraakiisha Amniga.

 

 

Wasiir Islow ayaa sheegay in Taliyuhu uu u yimid sidii AMISOM ay uga qeyb qaadan lahayd Sugidda Amniga Magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan Howlaha Dib-u-heshiisiinta iyo Doorashooyinka Galmudug.

 

 

Dhinaca kale waxaa la filayaa in Ciidamada AMISOM oo Qeyb ka tahay ay soo gaaraan Magaaladan Dhuusamareeb Saraakiisha AMISOM ayaana horay u sii sahmiyey Meelihii ay Magaalada ka degi lahaayeen.

By: Mohamed Abdi Mohamed