Wasiirada cusub ee Galmudug oo xilalka kala la wareegay wasiiradii hore

Qaar kamid ah Wasiirada Cusub ee Galmudug ayaa maanta bilaabay la wareegida Xilalka loo Magacaabay, iyadoo na ay ku wareejinayaa Wasiiradii hore ee maamulkaasi.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda Maaliyadda,waxaa ka qeybgalay  madaxweyne ku xigeenka Galmudug,isagoo kula dardaaramay Wasiirada Cusub  in shaqada loo igmaday ka soo dhalaalaan.

Munaasabadda sidoo kale, waxaa joogay hanti-dhowraha Galmudug iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaraddda Maaliyadda.

Leave a Comment