Wasiir Maareeye oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii Nuur cadde

Wasiirka Warfaafinta XFS mudane, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya  Allaha u naxariistee , Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo saaka ku geeriyooday Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku tilmaamay Nuur cadde in uu ahaa halyeey usoo shaqeeyay Ummadda Soomaaliyeed xilli adag.

Allaha u naxariistee Nuur cadde ayaa labadii Todobaad ee lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka Corona virus, isagoo ku jiray Isbitaalka Kings College eek u yaalla Magaalada London.