Wasiir ku xigeenka amniga oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dalka Ukraine+Sawirro

Kief-(SONNA)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya,mudane; C/naasir Siciid Muuse , ayaa Dalka Yukurayn (Ukraine), kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Dalkaasi.

Wasiir C/naasir Siciid, ayaa laamaha ammaanka ee Dalka Ukraine kala hadlay sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen xiriir cusub oo ku aaddan ka wada shaqaynta arrimaha nabad gelyada, baabi’inta walxaha qarxa, Miino baarista, ka hor tagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale Dalka Ukraine kula kulmay, Jaaliyadda Soomaaliyeed oo u badan Arday wax ka barata Jaamacadaha halkaasi ku yaalla, isagoo uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka, horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka, sida dhaqaalaha, arrimaha Bulshada, siyaasadda iyo amniga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya, C/naasir Siciid Muuse, ayaa Soomaalida ku nool Ukraine ku dhiirri geliyay in ay dib ugu soo laabtaan Dalkooda Hooyo, kana qeyb qaataan dib u dhiska Dalka.