Wasiirka Shaqada XFS oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxa IOM ee Soomaaliya

Muqisho(SONNA)--Wasiirka Shaqada XFS Mudane, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Maanta  Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ku qaabbilay Madaxa cusub ee howlgalka Soomaaliya ee hey’adda Socdaalka Adduunka IOM, Richard Danziger oo booqashadii ugu horreysay ku yimid Dalka.

Kulanka wuxuu la xiriiray xoojinta xiriirka , Taageerada Shaqo abuurka Dhallinyarada iyo Muwaadiinta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay muwaadiniinta helaan hannaan u jiheynaya shaqooyin iyo taageero la isku haleyn karo.