Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Banggiga Adduunka oo Shir uga furay Magaalada Nairobi “Sawirro”

Nairobi (SONNA)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa maanta magaalada Nairobi ka furay shir u dhaxeeya Wasaaradda iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Banggiga Adduunka.

Shirkan oo Agaasimaha ay ku wehelinayeen Madax ka tirsan Wasaaradda, ayaa hay’adda waxay ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee labada dhinac, horumarinta Ganacsiga iyo  fududeynta wax dhoofinta.

Shirka, waxa kale oo ay kaga wada-hadleen siddii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda iyo shaqooyinka ay ka wada-shaqeeyaan labada dhinac ee khuseeya Ganacsiga iyo Maal-gashiga, maadaama wakhtigaan ay dawladda Soomaaliya u dhow dahay in laga cafiyo deynta.