Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS oo Kitaabo Quraan ah gaarsiisay Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe.

Muqdisho (SONNA)- Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan aadan Dhuuboow Ayaa Maanta Gaarsiiyey Xabsiga Dhexe Ee Xamar Kutubo Qur'aanka Kariimka ah, oo Loogu Talagay Maxaabiista Ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar.

Kitaabada ayaa waxaa Lagu wareejiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Jan .Cabdikariin Cali Afrax, waxuuna Wasaaradda Ugu mahad celiyay sida marwalba wasaaradda ugu dadaasho isku xirka wasaaradda iyo taliska iyo sidoo kale Sare Uqadista Aqoonta maxaabiista.

Wasiir ku xiggeenka ayaa Ku Amanaay Ciidamada Asluubta Shaqada Ay Ka hayaan Xabsiga Dhexe Xamar iyo wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda awqaafta & arrimaha Diinta iyo taliska Asluubta Soomaaliyeed.