Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xaqiijisay in Soomaaliland laga helay 2 kiis oo Corona Virus ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS  Dr, Foowsiyo.Abiikar Nuur ayaa sheegtay in laba kiis oo cudurka CoronaViriska ah laga helay degaannada maamulka Soomaali land.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in labadan qof ee laga helay cudurka  midkood uu u dhashay dalka Shiinaha , halka qofka kale uu yahay Muwaadin Soomaaliyeed oo heeysta dhalashada dalka ingiriiska.

Doowladda Soomaaliya ayaa hore diyaar garow xoogan ugu jirtay ka hortaga Coronavirus, inkasta oo ay horay u shaacisay sadax kiis taas oo ka dhigeeysa tirada guud 5 ruux oo ay lab ajaanib yihiin.