Wasaaradda Arrimaha dibadda oo casho sharaf u sameeyey diblomaasiin dalka yimid

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga   Amb Axmed Ciise Cawad   ayaa  kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin dalka u timid in ay tababarro siyaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Casho sharftaan uu   Amb Axmed Ciise Cawad u sameeyay Diblomaasiyiin iyo khubarro ka socota dalka Sweden, islamarkaana Soomaaliya u yimid in ay tababaro  dheeraad ah siiyaan diblomaasiyiinta Soomaalida ah, ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaano, Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Safiiradda beesha caalamka u jooga  dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay arrintani tusaale fiican u tahay hormaradda Wasaaraddu ay ka gaartay dhinaca diblomaasiyadda.

“Waxaa halkan noogu yimid wafdi heer sare ah waxaa ku jira Safiiro mar dalkaan loosoo magacaabay runtii aad ayaan u soo dhaweyneynaa diblomaasiyiinta noo yimid” ayuu jiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Leave a Comment