Wajiga Labaad Shirka Wadatashiga Wabiyada dalka oo ka Furmay Muqdisho+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Ahna Agaasime Ku-xigeenka Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin ayaa furay wajiga labaad ee Shirka wadatashiga Arrimaha Wabiyada dalka oo looga hadlayo siyaasadda maareynta arrimaha biyaha xudduudda ka gudba.

Agaasime Cabdullaahi Sheekh ayaa tilmaamay in guddiga heer qaran ee loo xilsaaray diyaarinta siyaasadda maareynta Wabiyada looga fadhiyo in ay dadajiyaan siyaasadda Wabiyada si loogu gudbo xal u helista dhibaatooyinka ka dhasha fatahaadaha iyo wabiyada oo gura ama biyo yareeya, loogana faa’iideysto.

Guddiga loo xilsaaray Arrimaha Wabiyada oo soo bandhigay talabooyinka ay qaadeen ee ku aaddan sahanka iyo diyaarinta siyaasaddii lagu maareyn lahaa Biyaha Wabiga dalka ayaa sidoo kale dhageystay talooyin ay gudbiyeen ka qeyb galayaasha kulanka ee ka kala yimid Maamul Goboleedyada, Bulshada Rayidka, Wasaaradaha ka shaqeeya arrimaha biyaha iyo xeerdheerayaal Soomaaliyeed.

Kulanka oo mira dhal ahaa waxaa kale oo diiradda lagu saaray sida ay muhiimka u tahay in la qabto kulamo heer dal ah oo dowladaha dariska aan ugala tashaneyno sidii looga wada fa’iideysan lahaa Wabiyada iyo in siyaasad mid ah arrintaas laga yeesho.