Waaya-aragnimo: Sida ay W. Waxbarashada u maamusho Imtixaanka & arrinka qishka la xiriira !

Beijing(SONNA)-Waxa aan qormadan ku eegaya xadiga adeega waxbarasho iyo sida ay u maamusho Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare, si gaar ah Imtixaanada, arrinta ugubka ah ee inta imtixaankii socday la hakiyey, dib loo qaadayo iyo qishkaba maadaama aan wasaaradda si dhaw ugala soo  shaqeeyey tebinta natiijada iyo xitaa shaqada kormeerka tan iyo 2015-kii marka laga reebo sanadkan oo dibadda ka joogo.

Waa sannadkii 5-aad oo ay Wasaaraddu qaadayso Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka iyadoo bilowday sanadkii 2015-kii, kuna bilowday 7000 arday, waxa ayna ahayd 25-sano kadib bur-burkii dalka oo imtixaan mideysan oo bilaw ah,haba-yaraato tirade ay dawladda Somaliya qaaday, waxaa sanadihii la soo dhaafay aad  kor uga soo kacayey tirada ardada ka qayb-galeysa, waxa uuna soo gaaray sannadkan 31,500.

Kasokow shaqadii ay wasaaradda hore u haysay oo ahayd kaliya bixinta shaadada dugsiga sare iyadoo aan imtixaan qaadin balse ay u bedelayso ardada shahaadada dugsiyadooda ama daladahooda ka haysta, diiwaan-gelinta,iyo  ruqsad siinta Jaamacadaha, maareynta deeqaha waxbarashada balse hawshan imtixaanada waxa ay ahayd qatar(risk) ay qaadatay balse u arkaysay mas’uuliyad waddani oo ka tarjumaysa hiigsiga hurumar mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed ee jooga hadda iyo kan soo socdaba.

Imtixaanka Qaranka Qaadistiisa,dadaalka la geliyo, & caqabadaha uu wajaho

Madaama ay Wasaaradda ay dhexda uga soo dhacday dawlad kale oo ah maamulada dugsiyada iyo dalladahooda oo aan la abaal dhici karin doorkii ay ka soo qaateen waxbarashada intii ay meesha ka maqnayd nidaamka dawliga ah balse u baahnaa wax mideeyo sida wasaarada Waxbarasha si meesha looga saaro jahwareer dhanka academic documents-ka ee ardada Soomaaliyeed ee dibadda waxbarashada u aado ka haystay, kuwaa oo qaarkood ku adkayd in la qaabilo, shahaadooyinka dugsiga sare ee ay sitaan oo kale duwan balse Soomaali wada ah.

Caqabadaha waxaa kamid ahaa xasaasiyad ay dugsiyada maamuladooda ka qabeen, taasi oo loo fasarin karey in ay ka baqayeen in doorkoodii uu lumo, balse kulamo badan oo wada tashi ah kadib  wax badan la’iska fahmay la’iskuna raacay badi in imtixaanka dawladda qaado balse ayaguna ay sidoo kale ka qaadaan ardada ka hor. Amaanka ayaa sidoo kale ahaa caqabad kale waayo Al-Shabaab ma dooneyso waxbarashada nidaamiga ah oo weliba ay dawladda qayb-ka ah, waxaana jirtay arday caga-jugleynta Shabaab uga baaqan jirtay inkastoo wacyiga ardada uu wax iska bedelayey, waxaana ay qaateen go’aan ah in mustaqbalkooda aysan cidna ‘gor-gortan kala galeynin’. Waxaa sidoo kale caqabadaha kamida manahijta waxbarashada oo ardada, ka sokow in Carabi ama English uu yahay habka waxbarashadooda waxa yareyd waxa ardada laga baro madaayinka taariikhda iyo Juqrafiga dalka,balse ay si fiican uga sheekeyn karaan dalal kale.

Balse Wasaaradda ayaa ku bixisa qarash dhan 1.2 milyan oo dollar, waxana uga shaqeeya inta imtixaanka socda kaliya macalimiin dhan 2,500, dhanka maamulka 300 oo ruux halka amaanka gobalka Benaadir kaliya ay ilaaliyaan in kabadan 1000 askari waxaana dheer 500 kale oo gobalada ka hawl-gala, waxana imtixaankan oo kale ee dib looga noqonayo lagu galayaa lacag kale sida aan ka soo xigtay ila dhinaca wasaaradda Waxbarashada ah oo aan wax ka weydiiyey, waxa ay intaa u sameynaysaa si ‘Wada-jirka iyo Sumcadda Soomaaliyeed loo dhawro’.

Go’aanka Wasaaradda ee Imtixaankii socday

Ardadu ma wado xumo, mana wada fiicna marka ay timaado imtixaanka sida ay u wajahaan, waxana intaa dheer in aan imtixaanku ahayn ciqaab balse uu yahay tijaabo la xiriirta fahamka ardadada in la hubiyo, aad baan uga xumahay in ardada qaarkeed ee iyaga oo aan qayb-ka ahayn arrimaha loo tiigsaday uu saameeyey, waan tix-gelinayaa dareenkooda balse waa ay dhacdaa dunidaa nala qabta, waxana laga yaaba in wasaaradda dooneyso in aan isku dhibco noqon arday juhdi badan ku bixiyey diyaarinta imtixaanka iyo mid si sahal ah ku helay iyo iyada oo doonaysa in dhacdada noocan ah soo laaban lalana xisaabtamo kuwa mustaqbalka ardadeena ceel ku ridaya ee raacay hunguriga.

Tusaale Kenya ayaa baab’isay natiijada  3,427 arday oo gashay imtixanka KCSE ee dalkaas 2018-ka kadib markii gudiga ku micneeyey arrimo kuwan oo kale oo qaab daran in ay dhaceen, halka dawladda Itoobiya ay geba ahaan hawada ka saarto Internet xilliga imtixaanadka oo kuwa Jaamacadaha ku jiraan, aalada Intertnet-ka waa seef laba af leh, wuxuu noqday waxyaabaha qashka fududeeya, waxan hadda la soconayaa doorashada India, qaati ayaa laga taagan yahay isticmaalka baraha bulshada oo macluumad aan sax ahayn dadka lagu gaarsiinayo.

Layaabkayga Qish-ka

Shaqsiyan arday ahaan iyo macalin ahaantaydiiba ma jeclayn qishka, wel-wel badan ayaan ka qabi jiray in arday qish sameeyay uu iga dhibco bato, waana ay dhici jirtay iyo in aan soo saaro arday aan kalsooni badan qabin taana waan ku ad-adkaa, inkastoo ardada qaar ula muuqan jiray mid ad-adag ama xaasid ah,waxa kamida dhacdooyinkii aan la kulmay koox arday oo aan kamid ahay ayaa macalin ajnabi ah oo maado nagu lahaa balansaday si uu noo siiyo ‘Revision’ murajaco balse waxan tagay isago oo ardada siinaya qish wax dheer oo leh ‘A, B, C, waxaa sax ah oo gooba gelisaa ‘B’ ardadana ay aad uga farax-san yihiin oo ku qoranayaan buugaagtooda, waxa aan garan waayey goorta aan macalinkaygii aan ula hadlay sida in aan macalinkiisa ahay. “Sidaan ma ku wanaagsan tahay xirfadaada waxbarid, ma anagaa noo faa’ideysay mise  mustaqbal keena ayaad ku ciyaartay? Sidaas ayaa ku dhahay, waxaa isku yax-yaxay Macalinkii oo filin waa ku noqday hadalkayga balse ardada ayaa ana igu yiri, orodoo iska bax, anagaa rabnee sidan. Waxa ay tani ka dhacay mid kamida dhawr jaamacadood oo aan dhigtay, balse aadaabta aan qabo sheegi karin. Jaamacadahan mid kale oo kamida ayaa iyana ciil i baday oo ii diiday shahaadadii aan xaqa u lahaa ka dib markii aan u maleyey in ay lumisay record-ka ku dhawaad 3-maado dhincahooda oo la igu yiri inaan dib u galo, iyo bixinta cadad lacageed, waan ku gacan sayray, waxaana taa bedelkeeda qaatay go’aan jaamacad hor leh hadda iyo koow bilaabay, waxana xusid mudan in shahaadada baahida aan u qabay oo ay ku xirnayd in derajada mushaarkayga oo lagu jaan-goynayey, bal qiyaas ?

Waxan sidoo kale kormeera ka noqday imtixaanka sanadkii 2018-kii, waxa kormeera 1-aad ka ahaa dugsiga Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho oo ku galeysay arday gaareyso 646, haddii xarunta koowaad ee ardada uga badan galeysa uusan noqon uu ahaa meesha labaad, 8-dugsi ardadooda ayaa ku galaysa, waxa igala shaqaynayey 48 macalin, kormeere kale, 2 kaaliye iyo 4 afar shaqaale oo dhanka nadaafada ah iyo ciidan military ah oo amaanka igala shaqayney oo hal cutub ahaa. Marka aan culeys dareemo waxan wacayey mas’uuliyiinta wasaaradda, waxana durbadiiba isoo gaaarayey mas’uuliyiin ila xalisa dhibka aan qabay, maadaaba ciidanka military xalkooda aan u arkayey xoog. Waxaa halkaa ku bartay aadaabta ardada iyo aqlaaq darada ay lahaayeen iyo dugsiyadooda oo kala wanaagsana xagga tarbiyada, waxa ku jiray kuwa u sameysnaa fawdo oo ku soo tala-galay dagaal, imtixaan warkiisa daa, kuwa mobile-ka ay adagtayay in albaabka looga celiyo oo ciidanka faraha isla galayeen iyo iyadoo baaritaan adag soo maray oo weli mobile-ka aan uga qaadaynay fasalada…Waxana ay ii sheegayeen in uu jiro xili qishka soo dhaco iyo in goobo kale oo laga ogol yahay uu jiro, iyo waxa uga daran oo ah inaan qabanay dad waa weyn oo doonaya in ay u galaan arday aan meesha xaadir ku ahay balse sita kaarka aqoonsigooda.

Gebo-gebo & talo soo jeedin

Aniga oo og dadaalka Wasaaradda si gaara Imtixaanka Qaranka kuna booqday xili dambe Jaamacada Ummadda iyadoo mas’uuliyiinta doonaysa in ay shaaciyaan natijiida oo xitaa baahinta culeys kaga imaanayey, waa maree bogga wasaaradda ayaa is xira marka ay hal mar dhawr 20’000 soo booqdaan sidoo kuwa war-baahinta dawladda caqabadaas la kulmo, waxana hadda war-baahinta dawladda balaarineysa bogageeda sida kan SONNA iyo Radio Muqdisho waxaana suura-gal in saacadihii la soo dhaafay saacado kamida shaqo laga hayey awgeed ay adkayd in ay furmaan…marka waa in wasaaradu ay dusha u ridataa mas’uuliyaddan culus iyo kuwa kale ee la xiriira deeqaha waxbarasho ee aanu ka helno dawladaha Masar, Turkey, China, Ethiopia, India iyo Sudan oo sida aan ogahay ardada dhibcaha sare ay mudnaanta koowaad la siiyo.

Waa in wacyiga dadka iyo ardada la dhisaa ee ku aadan waxbarashada,waxana bogaadin mudan muraajacada ay wasaaaradda u sameynaysay ardada sanadkan.

Waxan ardada iyo dadweynaha qaraarkan u cuntami waayey kula talinayaa, in ay candhuuftooda dib u liqaan, ixtiraamaan haykalka dawliga ah iyo bisha barakeysan ee Ramadaan oo aysan gaysan gef wax u dhimi kara wada-jirkeena iyo Soonka, ayna maanka ku hayaan in dawladdu dareenkooda ilaalinayso, ka shaqayso hurumarkooda oo hore u bedeshay wasiirkii Waxbarashada kadib arrin tayada waxbarasho la xiriirtay oo xasaasiyad ka dhalatay awgeed. Cali maxaa loo dilay yasan noqon ! Mahadsanidiin

Qorey: Maxamed Cisman Cabdi “ Black Cobra”

E-mail: [email protected]

Beijing-China