Taxanaha Todobaadka Xorriyadda (Taariikhda AUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal)

Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ku dhashay 1928 magaalada galbeed ee Oodweyne sanadkii 1928-kii, ka dibna qeyb ka mid ah oo ka mid ah British Somaliland. Waxbarashada dugsiga hoose oo uu Cigaal ka bilaabay dugsiga hoose ee Berbera iyo Burco. Waxaa kale ee uu wax ka bartay Dugsiga Sheikh Intermediate School ee Sheekh, ka dib markii uu ka qalin-jabinta waxa uu aaday Cariga England si uu waxbarashada dheeraad ah ugu soo qaato halkaasi, Yaraantiisii wuxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur’aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.

Waxbarasha sare ayuu u tegay oo la xiriirtay xagga ganacsiga Magaalada London, ee Waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horraantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosneyd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.

Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo Xoghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Gobolada Waqooyi, bishii May 12-keedii, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Gobolada Waqooyi ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markii ay ahayd 26-ka Juun ee sanadka 1960-kii, waxaana Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, Rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaha u naxariistee wuxuu noqday hoggaamiyihii u horreeyey ee Gobolada Waqooyi, kadib markey xornimadeeda gaartay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii, Khudbad dheer oo taariikhda ku xusan oo Cigaal u jeediyey golihii wakiilada ee Gobolada Waqooyi sanadkii 1960-kii, markii xornimada uu soo sexeexey waxa kamid ah ahaa ereyadeedii, “Waxay ila tahay in la wada maqlay koloneel secretary-ga waxa ay jawaabtiisi noqotay, arinkii sidii aynu doonaynay inuu u dhacay inaad kulligiin ka wada dharagsan tihiin baan u malaynayaa. Maalintii aanu nimi ee Isniintii ayaanu hadalkii istaarnay markaa waxaa weeyaan in Dawladda Ingiriska ay awalba u sii go’neyd waxa ay doonayaan inay ina yiraahdaan, hasa ahaatee midbaa meesha ku jirtoo waxaa la hubinaayay, waxan la doonayo ee dawladnimadan la doonayaa in ay tahay mid dadku wada doonayaan, dad u qalmana gacantooda ay galayso inay tahay ina kale ayaa la hubsanaayay.

Markii taasi caddaatay maalintii Arbacadii galinkii dambe ayuu yimid koleneel secretraygii Markaa dabadeetan khudbaddan imika la sheegayo ayuu akhriyay, hadalka waxa weeye guntiisi bishaa July kowdeeda, inaynu dawlad ahaanno si aynu walaaladeenn Soomaaliya isu raaci karno ayuu guntiisi noqday.Markey taariikhdu ahayd 1dii Luuliyo 1960kii waxaa midoobay goboladii waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya halkaasi ooy ka dhalatey Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa markiiba talada wadanka loo caleemo saaray Mudane Cabdullaahi Ciise iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xubno kale oo ka kala socday labada deegaan ee midoobay. Markey taariikhdu ahayd, 20kii Luuliyo 1961kii waxaa la ansixiyey Dastuurka Soomaaliya (1961).

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markii uu yimid Muqdisho isaga Guddi kale oo loo xilsaaray inay Calanka Soomaaliya geeyaan Koonfurta Soomaaliya oo iyana markaasi Xorriyaddii ka qaatay Gumeystihii Talyaaniga ayaa waxaa la isku raacay in loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda cusub ee Soomaaliya C/laahi Ciise halka Raiisul-wasaarana loo magacaabay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 26-kii Juun sanadkii 1960-kii, waxayna xilka hayeen ilaa iyo 1-dii Luuliyo 1960-kii.

Xilalkii ugu muhiimsanaa ee Cigaal soo qabtay waxaa ka mid ahaa: wuxuu noqday Wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horreeyey Soomaaliya, kadibna C/rashiid oo ra’iisal wasaare ahaa ayaa isku shaandheeyay golihii Wasiirada,ka dibna Cigaal waxa uu noqday wasiirkii waxbarashada, bartamihii 1962-kii ayuu iska casilay jagadaa kadibna isaga iyo Sheekh Cali Ismaaciil Yacquub iyo Sheekh Cali Jimcaale ayaa waxay aasaaseen xusbigii SNC, markii dambena wuxuu ku biiray xusbigii SYL.

10-kii July 1967-kii, wuxuu noqday Cigaal ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma’arke loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya, Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra’iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii, balse 21-kii Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xiray, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-kii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka yareyd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-kii, oo mar loo magacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.

1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.

W. D: C/laahi Ruush