Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo saldhigga Degmada Wadajir u Magacaabay Taliye cusub

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal; Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa Saciid Cali Maxamuud u Magacaabay taliyaha saldhigga Degmada Wadajir,

Wareegto kasoo baxday Xafiiska taliska Booliska ayaa xilkii Saldhigga looga qaaday taliyihii hore ee saldhigaaasi  Cabdi-baasid Maxamuud Cagey.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyaa ayaa ugu taliyaha cusub usoo jeediyay in uu xilka loo igmaday u guto si dacaad ah, maamumkana ay ka taageeraan howl Maalmeedkooda.

Magacaabista saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa qayb ka ah dedaallo ladoonayo in lagu laba laabo wax qabadka laamaha ammaanka ee Caasimadda.