Taliyaha Xoogga dalka oo digniin culus u diray dadka Isticmaala Astaamaha iyo Tuutaha Ciidanka

Muqdisho(SONNA)--Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo Shir Jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay soo badanayeen shaqsiyaad gaar ah oo isticmaala Gaadiidka loo ekeysiiyay kuwa Ciidanka Xoogga dalka isticmaalan, kuwaasi oo lagu buufiyay Astaanta Ciidanka.

Taliyaha ayaa Digniin u diray dadka sida sharci darrada u isticmaala Gaadiidka lagu buufiyo Astaanta Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo uu sheegay cidii lagu arko in ciidanka Xoogga dalka si toos ah ugala wareegi doonaan Gaadiidkaasi.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dad aan ka tirsaneyn Ciidanka Xoogga dalka oo Isticmaala dareeyska ay xirtaan Ciidanka xoogga Dalka, kuwaasi oo uu sheegay inay u shaqeeyaan Hey’addo, Shirkaddo iyo meelo kale, wuxuuna tilmaamay dadka xirta dareeyska ciidanka xoogga dalka islamarkaasna aan ka tirsaneeyn in lala tiigsan doono sharciga.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ugu dambneyntii Digniin u diray Maleeshiyaad Isbaarooyin dhigtay Degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolada dalka, kuwaasi oo uu tilmaamay in Ciidanka ay ka qaadi doonaan tallaabooyin adeg.