Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo gaaray caasimadda Galmudug

Sama-reeb(SONNA)- Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa goordhaw  gaaray magaalada Dhusamareb, waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhusamareeb ku soo dhoweeyay saraakiisha ciidamada Booliiska ee ka howlgala Galmudug .

Taliyaha ayaa salaan ka qaatay ciidamada Booliiska ah ee halkaasi ku sugnaa kana qaybqaadanayey soo dhowaynta taliyaha iyo wafdigiisa.

Taliyaha ayaa waxa uu kulan la qaadan doonaa madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, booqashada Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa waxay qayb ka tahay Kormeerka rugaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo xaqiijinta amniga magaalooyinka dhawaan lagu qaban doono doorashooyinka dalka.