Taliska AFRICOM oo shaaciyey in ay dileen hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Muqdisho:(SONNA)-Taliska Ciidamada Mareykanka Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay duqeyn dhacday 2-dii bishan April in lagu dilay Hoggaamiye sare oo ka tirsan maleeyshiyada Al-Shabaab.

Hoggaamiyahan ayey AFRICOM ku sheegtay inuu ahaa Yuusuf Jiis, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab, islamarkaana agaasimay weeraro badan oo kooxda ay ka fulisay Soomaaliya.

Taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa yiri “ Yuusuf Jiis waxuu ahaa hogaamiye muhiim  u ahaa argagixisada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin dhibaato badan geeystay.

Weerarka lagu dilay Yuusuf Jiis  ka dhacay deegaanka Bush Madiina ee gobolka Baay.