Tababar ku saabsan habka Sharci qorista iyo kaydinta sharuucda dalka oo soo gabagaboobay

Mogadishu (SONNA)- Tababarkaan ayaa waxa loo qabtay mudo labo maalin ah  howl-wadeenno ka  tirsan Xafiisyada Garyaqaanka Guud, Xeer-ilaalinta Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Dastuurka, Maamulka Gobolka Banadir,  Bulshada Raydika ah iyo qaar ka mid ah Jamacadaha Mogadishu.

Howl-wadeenada kala duwan ee ka soo qayb-galay tababarka ayaa sheegay in baahi badan loo qabo wada shaqeynta hey'adaha Sharciga ee dalka iyo  dardar-galinta tababarro sidaan oo kale ah ee loo qabto howl-wadeennada kala duwan ee bahda Cadaaladda iyo qeybaha bulshada Somaliyeed.

Wasiirka Cadaaladda Avv.Xasan Xuseen Xaaji, oo tababarka soo xiray ayaa sheegay inay muhiim tahay in sharci kasta la waafajiyo Dastuurka dalka, si sharuucda dalka iyo Dastuurka KMG ah aysan iskaga hor imaan, lana helo sharuuc iyo Dastuur Isla jaan-qaadi kara oo ka hirgala dalka heer Fadaraal iyo heer dowlad goboleed. wasiirku wuxuu kula  dardaarmay xubnaha qaatay Tababarkan in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu shaqeeyan dalkooda.