Soomaaliya oo Wareejisay Hogaanka Shirka Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jamaacadda Carabta

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareejiyey Hoogaanka Shirka Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta.

Soomaaliya Xilkaan heysay lixdii bilood ee lasoo dhaafay shalay ayeyna si-rasmi ah u wareejisay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in mudaddii xilkaas Soomaaliya soo heysay u soo qabsoomeen waxyaabo badan aad u wanaagsan.