Soo dhaweyntii madaxweynaha Galmudug ee Turkiga+Sawirro

Istanbul(SONNA) Madaxweynaha dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Masuuliyiinta soo dhaweysay ayaa waxaa ka mid ah safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga safiir jaamac , safiir kuxigeenka dalka Turkiga mudane bishaar ugaas , Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ah Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed,guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga mudane sheekh Mohamed, Ganacsatada , mas'uuliyiin kasoctay Soomaali voice organization, saxafiyiinta Soomaaliyeed ee kunool magaalada Istanbul,ardayda iyo bulshada qeybaheyda kale duwan.

Madaxwayne QoorQoor waa safarkii ugu horayay ee uu ku tago dalka Turkiga .
Waxaa uu lakulmi doonaa madaxda safaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, ganacsatada, madaxda Soomaali voice organization, ardayda iyo bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Turkiga.

W/D: Ismail Abdi Ali