{"id":564542,"date":"2026-06-10T19:59:44","date_gmt":"2026-06-10T16:59:44","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=564542"},"modified":"2026-06-10T19:59:44","modified_gmt":"2026-06-10T16:59:44","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-ka-hadashay-oo-celinta-garsoore-cumar-cartan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-soomaaliya-oo-ka-hadashay-oo-celinta-garsoore-cumar-cartan\/","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay oo celinta Garsoore Cumar Cartan"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay go\u2019aanka ay dowladda Mareykanku ugu diidday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan.<\/p>\n<p>Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo loo aqoonsaday Garsooraha Sanadka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ee 2025, waa shakhsiga ugu guulaha badan dhinaca ciyaaraha ee Soomaaliya, isla markaana ah astaan qaran oo ay ku faanaan shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Guulihiisa iyo waxqabadkiisa ayaa sare u qaaday magaca Soomaaliya, isaga oo dhiirrigelin u noqday kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaallo diblomaasiyadeed la yeelatay hay\u2019adaha ay khusayso si loo fududeeyo safarka Garsoore Cumar.<\/p>\n<p>Nasiib darro, dadaalladaasi ma aysan dhalin natiijadii la rajeynayay.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ugu faantaa guulaha iyo waxqabadka Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan guushiisu waxay mar kale caddeyneysaa in kartida, dadaalka iyo adkaysigu ay horseedi karaan heerar oo guulo caalami ah.<\/p>\n<p>Garsoore Cumar wuxuu si nabad ah ugu soo laabtay dalkiisa, wuxuuna sii wadi doonaa gudashada waajibaadkiisa qaran iyo kuwa caalami ah isaga oo leh isla hufnaanta, daacadnimada iyo xirfadda sare ee lagu yaqaanay muddadii uu ku jiray garsoorka.<\/p>\n<p>Wasaaraddu Arrimaha Dibadda waxay sidoo kale u mahadcelinaysaa dhammaan dowladaha walaalaha ah, shakhsiyaadka, hay\u2019adaha, ururrada ciyaaraha iyo dhammaan dadka taageerada iyo garab istaagga u muujiyey.<\/p>\n<p>Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa wada xaajoodyada iyo xiriirka ay la leedahay dhinacyada ay khusayso si loo helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan, loona ilaaliyo karaamada, xuquuqda iyo danaha muwaadiniinteeda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay go\u2019aanka ay dowladda Mareykanku ugu diidday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan. Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo loo aqoonsaday Garsooraha Sanadka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ee 2025, waa shakhsiga ugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":564543,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-564542","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/564542","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=564542"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/564542\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":564544,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/564542\/revisions\/564544"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/564543"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=564542"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=564542"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=564542"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}