{"id":564277,"date":"2026-06-07T10:48:09","date_gmt":"2026-06-07T07:48:09","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=564277"},"modified":"2026-06-07T12:07:14","modified_gmt":"2026-06-07T09:07:14","slug":"madaxweynaha-jfs-danjire-salaad-cali-jeelle-u-magacaabay-lataliyaha-sare-ee-madaxweynaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-jfs-danjire-salaad-cali-jeelle-u-magacaabay-lataliyaha-sare-ee-madaxweynaha\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer mas\u2019uuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan arrimaha dowlad-dhiska.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha cusub ku ammaanay khibraddiisa, dadaalkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay u adeegidda dalka, isaga oo muujiyey kalsoonida uu ku qabo in uu si hufan uga soo bixi doono waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in uu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha. Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer mas\u2019uuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":564278,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-564277","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/564277","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=564277"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/564277\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":564291,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/564277\/revisions\/564291"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/564278"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=564277"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=564277"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=564277"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}