{"id":564012,"date":"2026-05-31T09:59:35","date_gmt":"2026-05-31T06:59:35","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=564012"},"modified":"2026-05-31T09:59:35","modified_gmt":"2026-05-31T06:59:35","slug":"kala-guurka-togan-waa-faallo-uu-qoray-wasiir-cabdiraxmaan-yuusuf-al-cadaala","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/kala-guurka-togan-waa-faallo-uu-qoray-wasiir-cabdiraxmaan-yuusuf-al-cadaala\/","title":{"rendered":"Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala"},"content":{"rendered":"<p>Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run.<\/p>\n<p>Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur Galbeed, waxay nasiib u yeesheen inay noqdaan Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Dawlad Goboleed marka laga reebo Soomaaliland ee lagu soo doorto Nidaamka Qof iyo Cod, kuna dhisan Xisbiyo.<\/p>\n<p>Waa talaabo hirgalinteeda loosoo maray jid adag, waa himilo soo jireen ah oo dad badan oo Soomaaliyeed ay rajaynayeen in ay Maalin uun goobjoog ka noqdaan.<\/p>\n<p>Qormadaan, waxaan ku dul istaagi doonaa Sadex xaqiiqo, Sadex Fursadood, afar Iftiimin, Hal dardaaran, hal digniin iyo hal xusuus oo xisaab celin ah.<\/p>\n<p>Xaqiiqo 1, waa talaabo inaga raraysa nidaamkii Doorashooyinka ee Dadbanaa ee aan kusoo jirnay Tobankii Sano ee tagtay, Kii xulista halka Oday ee 2012, iyo kuwii ka horeeyay ee hogaamiye kooxeedyadu lahaayeen awoodda, sidaas awgeed waxay bilaw u tahay kala guur rasmi ah oo aan ugu guurnay nidaamka Dimuquraadiyadda.<\/p>\n<p>Xaqiiqo 2, waxay furtay albaabka awood siinta dadwaynaha, iyada oo Xildhibaanadaani ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee ku fadhiya Codka Shacabkooda, halkaasna waa kala guur kale oo dhab ah, waxaan ka guurnay awoodii halka Qof, anagoo u guurnay awoodda ay Shacabku leeyihiin.<\/p>\n<p>Xaqiiqo 3, waxay ku fadhiyaan Xildhibaanada cusub Nidaamka Xisbiyada taas oo iyana ah albaab cusub oo u furmay nidaamka Siyaasadeed ee Dalka, tanina waa bilawga kala guurka sadexaad ee Nidaamka Qabaailka aan uga guurayno kan xisbiyada.<\/p>\n<p>Fursado.<\/p>\n<p>Kala guurkaani, wuxuu abuurayaa fursado dahabi ah.<\/p>\n<p>Fursad 1, wuxuu awoodaynayaa Shacabka Soomaaliyeed oo talada Dalkooda marti ka ahaa in ka badan Nus-qarni, kuwaas oo hadda noqonaya cidda leh awoodda soosaarista hogaamiyayaasha, taas oo dhalidoonta Dawlad haysata kalsoonida iyo Sharciyadda Dadkeeda iyagana u xisaab celisa.<\/p>\n<p>Fursad 2, waxeey hoos u dhigaysaa nidaamka Qabaliga ah ee kala qaybinaya Shacabkeenna waxa ayna abuuraysaa Nidaam Xisbiyo ah kaas oo midaynaya Bulshada kuna midaynaya Aragti halkii ay isku raaci lahaayeen Qabiil.<\/p>\n<p>Fursad 3, waxeey kor u qaadaysaa sumcadda Dawladnimadeena oo buuuxindoonta halbeegyada Caalamiga ah ee Dawladnimada ku dhisan Dimuquraadiyadda.<\/p>\n<p>Iftiimin.<\/p>\n<p>Dhamaystirka Kala Guurka.<\/p>\n<p>Waxaan hadda bartanka uga jirnaa geediga kala guurkaan, si aan u dhamaystirnana waxaa jira dhawr qodob oo iyana mudan in aan maskaxda galino.<\/p>\n<p>Iftiimin 1, maadaama ay tahay hawl adag, caqabado badan, cadaw xooganna leh, waxa ugu wayn ee aan u baahanahay waa adkaysi iyo isku duubni.<\/p>\n<p>Iftiimin 2, waxa labaad waa feejignaan in aan nala qaldin, nala cabsi galin ama nala weecin maadaama hubka ugu wayn ee la doonayo in lagu hor istaago himiladaan ay tahay in si khaldan loogu fasiro Bulshadeenna.<\/p>\n<p>Iftiimin 3, in aan gacanta ka qabano kuwa doonaya in ay dib inoo celiyaan, caqli iyo cudud hadba tii haboonna kaashano ayaa ah qodob kale oo mudan xusuusnaan.<\/p>\n<p>Iftiimin 4, in Shacabkeenu muujiyo in tani ay tahay tiisa cidkasta oo hor istaagtana ay tahay cid awoodda iyo milkiyadda Dawladnimada u diidan Dadwaynaha.<\/p>\n<p>Hal Dardaaran iyo hal digniin.<\/p>\n<p>Dadkaygoow , mid waa dardaaran, marxaladaan waa mid taariikhi ah sidaas awgeed waa in aan si midnimo iyo waddaniyad leh u garab istaagno, mid kalana waa digtaanaashiyo, jidka aan marayno waa mid adag, Caqabado leh, cillado badan sababtuna waa duruufaha Dalkeenu ku jiro, sidaas awgeed waa in aan ka feejignaano cidkasta oo doonaysa in ay si khaldan uga faaiidaysato duruufahaas kuna hor istaagto himilooyinkeenna Qaran.<\/p>\n<p>Hal xusuusin iyo xisaab celin ah, tani waa oofinta balanqaadkii Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ee ku xusnaa Barnaamij Siyaasadeedkiisii xlligii doorashada 2022,dii, iyo Balanqaadkii Xukuumadda Dan,Qaran ee ku caddaa Barnaamijkii Baarlamaanku ku ansixiyay xukuumadda isla Sanadkaas.<\/p>\n<p>Alle ayaa mahadsan.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-564013\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0002-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0002-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0002-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0002-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0002-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0002-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0002-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0002-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0002.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-564014\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0001-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0001-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0001-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0001-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0001-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0001-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0001-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0001-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/IMG-20260531-WA0001.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur Galbeed, waxay nasiib u yeesheen inay noqdaan Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Dawlad Goboleed marka laga reebo Soomaaliland ee lagu soo doorto Nidaamka Qof iyo Cod, kuna dhisan Xisbiyo. Waa talaabo hirgalinteeda loosoo maray jid adag, waa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":564014,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-564012","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/564012","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=564012"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/564012\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":564015,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/564012\/revisions\/564015"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/564014"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=564012"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=564012"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=564012"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}