{"id":563995,"date":"2026-05-30T22:55:46","date_gmt":"2026-05-30T19:55:46","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=563995"},"modified":"2026-05-30T22:55:46","modified_gmt":"2026-05-30T19:55:46","slug":"horjooge-sare-khawaarijta-ka-tirsan-oo-howlgal-lagu-dilay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/horjooge-sare-khawaarijta-ka-tirsan-oo-howlgal-lagu-dilay\/","title":{"rendered":"Horjooge sare Khawaarijta ka tirsan oo howlgal lagu dilay"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare.<\/p>\n<p>Howlgalka ayaa lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateynayay dadka deegaanka.<\/p>\n<p>Horjoogahan ayaa door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta ee deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu dilay waardiyihiisii gaarka ahaa.<\/p>\n<p>Howlgalkan guuleystay ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, si loo wiiqo awooddooda loona fashiliyo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan in hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan, iyadoo la adkeynayo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, laguna sugayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-563996\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ca0fc107-3be1-4684-bef6-5eedba4b7457-212x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ca0fc107-3be1-4684-bef6-5eedba4b7457-212x300.jpeg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ca0fc107-3be1-4684-bef6-5eedba4b7457-724x1024.jpeg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ca0fc107-3be1-4684-bef6-5eedba4b7457-768x1086.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ca0fc107-3be1-4684-bef6-5eedba4b7457-1086x1536.jpeg 1086w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ca0fc107-3be1-4684-bef6-5eedba4b7457-860x1217.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/ca0fc107-3be1-4684-bef6-5eedba4b7457.jpeg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare. Howlgalka ayaa lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":530718,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-563995","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563995","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=563995"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563995\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":563997,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563995\/revisions\/563997"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/530718"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=563995"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=563995"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=563995"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}