{"id":563856,"date":"2026-05-28T15:07:18","date_gmt":"2026-05-28T12:07:18","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=563856"},"modified":"2026-05-28T15:08:37","modified_gmt":"2026-05-28T12:08:37","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-dadka-reer-muqdisho-diyaar-uma-aha-in-ay-ka-tanasulaan-nabadda-ay-heystaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamsa-dadka-reer-muqdisho-diyaar-uma-aha-in-ay-ka-tanasulaan-nabadda-ay-heystaan\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa: \u201cDadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka tanasulaan nabadda ay maanta heystaan.<\/p>\n<p>Mudane Xamsa oo boqolaal shacabka reer Muqdisho kula hadlayay goob fagaara ah kadib munaasabaddii Ciidda ayaa si weyn ugu boorriyay shacabka ku dhaqan caasimadda in ay ku fara adaygaan amniga oo aan marnaba gacantooda laga bixin.<\/p>\n<p>\u201cDadka reer Muqdisho diyaar uma aha inay ka tanasulaan nabadda ay maanta heystaan, Dowladda Soomaaliyeedna waxay ogoshahay xoriyadda hadalka.&#8221;<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay ogoshahay xoriyadda hadalka, dhaliisha iyo mudaaharaad salmi ah in la qabto, dadkuna ay marqaati ka yihiin.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in ciddii haysa aragti wanaagsan ay usoo bandhigto shacabka, isagoo tilmaamay in ay la shaqayn doonaan ciddii ay kalsoonida ummaddu raacdo, hadday heli waayaannaa ay la shaqeeyaan maamulka uu dadku doorto.<\/p>\n<p>Wuxuu xusay Ra\u2019aysulwasaaruhu in uu xukunku ku jiro gacanta Alle cidduu doonana siiyo, ayna habboon tahay in dadka la weydiisto kalsooni sidii ay samayn jireen Asxaabtii Rasuulka CSW.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambayn ku baaqay in dadka xorriyadda loo daayo iyada oo aan dusha looga keenin xukun aysan ku qanacsanayn, wuxuuna siyaasiyiinta ugu baaqay in ay dadka weydiistaan codkooda iyagoo samaysanayo Xisbiyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka tanasulaan nabadda ay maanta heystaan. Mudane Xamsa oo boqolaal shacabka reer Muqdisho kula hadlayay goob fagaara ah kadib munaasabaddii Ciidda ayaa si weyn ugu boorriyay shacabka ku dhaqan caasimadda in ay ku fara adaygaan amniga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":563857,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-563856","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563856","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=563856"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563856\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":563859,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/563856\/revisions\/563859"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/563857"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=563856"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=563856"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=563856"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}